Biyaha webiga Nile: Inkaarta Soomaalida & Itoobiya oo isha ku haysa kullanka Madaxweynaha Masar Iyo Farmaajo

IMG_9822Biyaha webiga Nile: Inkaarta Soomaalida

Water Diplomacy – Weligii iyo waaqii webiga Nile wuxuu u ahaa nolol dadka ku ag nool. Xaddaaradda gabawday ee dhulka hada Masar loo yaqaan waxaay ku dhalatay, ku barbaartay oo ku tanaaday naxariista biyaha webiga. Umadihii hore waxaay u yaqaaniin Nile Ilaah. Si wayn ayaay u ciseen jireen.

Dadka reer Masar 95% waxaay ku nool yihiin webiga dhiniciisa. Dhulka intiisa kale waa lama degaan aan lagu noolaan karin. Jirintaanka Masar waxaay ku tiirsan tahay Nile. La’aantii waay madhanayaan. Nile ku uma keeno Masaarada biyo keliya, ee sidoo kale wuxuu ugu deeqaa ciid macdan badan leh oo uu ka soo qaado buuralayda Ethiopia. Ciddaas oo weligeed bacarmiye u ahayd beeralayda Maasarida.

Tirada dadka Masaarida ahi way sii kor dhaysaa. Taas oo kor u sii qaadaysa baahida ay u qabaan Nile ka. Maadaama oo aanay jirin il biyood kale oo ay Masaaridu heli karto, Masar waxay diyaar u tahay inay la dagaalanto cid kasta oo isku dayda inay hoos u dhigta biyaha uu u keeno Nile.

Nasiibdaradda haysta Masar ayaa ah in biyaha Nile ku ay ka yimaadaan dalal kale. Inta u badani waxaay ka soo qul qulaan buuralayda Ethiopia. Ethiopia oo ah dal faqri dishooday waxaay la daalaa dhacaysaa tirada dadkeeda oo sii badanaya iyo dhaqaleheeda oo kor u sii kacaya. Sidaasdarteed, waxaay baahi wayn u qabtaa inay isticmaasho biyaha Nile ee ka burqamaya dhulkeeda.

Wadamada ay ka yimaadaan biyaha Nile ku ma haystaan laydh. Dhamanatood wax ka badan 80% dadkoodu ma helaan laydh. Tusaale ahaan Uganda waxa laydh hela 9% keliya dadwaynaha dalkaas degan.

Heshiisyo ay Masar la gashay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika xukumayay, ayaa siiyay Masar inay isticmaasho inta badan biyaha webiga Nile. Wadamada Afrikaanka ah ee biyuhu ka yimadaaan markii ay helaan xorriyada waxaay cadeeyeen sidaa aanay ugu faraxsanayn in biyohooda oo ag qul qulaya ay haraad kaga jiraan.

Dalka sida ba’an ugu heellan inuu manaafacaadsado Nile-ka waa Ethiopia. Masar lama deris ah dalalka biyuhu ka yimaadaan. Sidaasawgeed, way ku adag tahay inay si toos ah cadaadis u saarto dalalkaas. Juquraafigu ma caawinayo hadii ay dagaal gasho waayo xad lama laha dalalka ay is hayaan. Sidaasdarteed, Masar waxa weligeed ka go’nayd inay hesho dal la deris ah dalalkaas oo iyada la jaal ah. Dalkaasi wuxuu noqday Soomaaliya. Masar waxaay u adeegstay Soomaalida inay u dagaalamaan biyaha ay iyadu cabayso ee aanay waxba ka soo gelayn Soomaalida. Waxaay Soomaalida ku qalqaalisaa dagaallo ay la gasho deriskeeda iyo nacayb ay u qaado in ka ag dhow.

Hadba waxaay Masar isticmaashaa meesha ay ka nugul yihiin Soomaalidu. Tusaale ahaan Masar waxaay gacan laxaad leh ku lahayd aragtidii shaac baxday ee Soomaalidu ku doonaysay in mideysa dhamaan dadka Geeska Afrika ku nool ee ku hadla Af Soomaaliga. Taas oo keentay in Soomaalidu dagaal la gasho Ethiopia. Soomaalidu waxaay gacan wayn ka heshay Masar. Dadka ka riixayay aragtida Soomaali wayn waxa ku badnaa dad wax ku bartay Masar.

Ugu danbayntii is-miidaamintii Soomaalidu waxaay keentay in dalkii Jamhuuriyadda Soomaalidu burburo, shacabkiisiina qaxo. Nasiib darro, Masar iyo walaalaheedii Carbeed albaabada ayay ka xidheen dadwaynihii baahnaa ee dagaalku ku habsaday. Halka dalalkii la deriska ahaa ay u fureen iradaha.

Intaas kamagay hadhin inkaarta webiga Nile ee holcinta iyo dab ku shidida dagaalka sokeeye ee ka socda Somalia waxa qayb laxaad leh ku leh danaha la kala jiidnayo ee Webiga Nile. Dalalka la deriska ah Somalia waxaay ku hamiyaan sidii dawladda ka dhalata Somalia aanay u noqon mid awr kiraale u ah Masar. Masarna waxaay ku foogan tahay sidii ay u heli lahady dawlad u dagaalanta oo cadaadis aan joogsi lahayn ku haysa Ethiopia si aan Ethiopia u helin waqti iyo tamar ay biyaha Nile ku isticmaasho.

Marlayba Soomaalida waa u dagaal aanay waxba ka dheefay. Hadiii webiga Nile uu u yahay Masar barako, Soomaalida waa ku inkaar.

 National Economist – Water Diplomacy

1 – Read More: Ethiopia’s Plan to Dam the Nile Has Egypt Fuming

2 -Read More:  Blue Nile-ka, Masar (Egypt) & Ethiopia & Saameynta ay ku yeelan karto Soomaaliya!


Falanqeyn: Itoobiya oo isha ku haysa kullanka Madaxweynaha Masar Iyo Farmaajo


IMG_9824Falanqeyn: Itoobiya oo isha ku haysa kullanka Madaxweynaha Masar Iyo Farmaajo

Water Diplomacy – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo maalmood ah.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo si heersare ah loogu soo dhaweeyay Gegada Caalamiga ah ee Qaahira ayaa loo gudbiyay Qasriga Madaxtooyada ee Al Itixaadiya, halkaas oo isaga iyo Madaxweynaha Masar Mudane Cabdul Fataax Al Sisi ay si wadajir ah salaan sharaf uga qaateen cutubyo ka tirsan ciidamada dalkaas.

Markaan kan falanqey ka bixiyo xiriirka bulshada soomaalida iyo Dawlada masar ma jiro wax ka wada dhaxeeya oo u isku qasbi kara inay heshiisyo kala saxiixdaan inay sameys taan maxad lagu dhiso wacyigalinta siyaasada arimaha Dibada iyo difaaca. Masar iyo Somaliya.

Dhinaca kale Dawladihii Soomaaliya soo maray oo dhan iyo Dawlada Masar waxay lahaayeen xidhiidh wanaagsan oo taariikhi ah masar waxay dadaal dheer u gashay sidii Soomaaliya markasta siyaasadeeda Gacanta ugu hanlahayd , waxay dhallinyarada Soomaaliya u furtay albaabada Jaamacdaheeda oo dhan mid milatari iyo mid cilmiba, si loo xoojiyo colaada soomaaliya iyo Itoobiya.

Wadanka masar kuma cusuba saaxad siyaasada Soomaliya isagoo tariikh midabo badan ku leh xaalada soomaliya ka aloosan, Ilaama ta iyo markaan Xoriyada Qaadaney. Dagaalkii 1977 dalka masar wuxuu kamid ahaa dalalkii Soomaliya isku garab taagtay dagaalki dhex maray soomaliya Itoobiya.

Soo laba kaclaynta Siyaasad dalka masar ee soomaliya waxaa sabab u ah muranka u dhexeeye wadamada Masar iyo Itoobiya ee ka dhashay wabiga niil,

Sida aynu wada ogsoonahay Itoobiya iyo Masar waxay wadaagan wabiga niil ,dhawaanahan danbe waxaa soo shaac baxday in dalka Itoobiya uu dhisayo biyo xireen wayn, biyo xireenkaas oo laga cabsi qabo inuu samayn ku yeesho awooda biyaha wabiga niil.

Dad badan oo aqoon yahano soomaaliyeed ah ayaa u arka in 60 sano ee Soomaaaliya xoriyada sheeganeyso inay dagaal iyo Dawlad Fashilanta kabixi la dahay.

Arinkaa ayaa ah siyaasada wabiga Niil ee ay isku fahmila yihiin Itoobiya iyo masar. Wadanka Itoobiya \ ayaa Soomaali la leh xuduud dheer wuxuu kamid yahay wadama ugu dadka badan Africa,

Wadanka Itoobiya maleh bad iyo shidaal farabadan waana sababta Itoobiya ay waligeed ugu taamto in dalka soomaliya ay gacanta ugu dhigi lahayd si dawlada Soomaaliya ka dhisan tahay mid Itoobiya danaheeda ilaalisa.

Falanqeyn tayda waxaa ku soo Gaba nabeenayaa waxaan islahaa Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaaj wuxuu la iman siyaasad dhex dhexaada oo aad ugu Duwan kuwii Madaxdii ka horaysay

Hadiima uu Dawlada Masar la saxiixdey Heshiis Siyaasadeed oo dawlada masar ku doonayso inay Soomaaliya tahay meesha ay kula dagaalimikarto dawlada Itoobiya.

Madaxda soomaaliya soo martay oo dhan waxay yihiin kuwa markasta Qaata siyaasad Qar iska tuura oo lagaraneny. Maxaa u diiday in madaxweyna Farmaajo inuu ka leexdo Go’dkii kuwii ka horeeyey ku dhaceen

Jiritaanka Dawlad Soomaaliyeed in la helo waxaa diidan oo ku xifaaltamaya Awoodaha waa weyn ee Itoobiya iyo Masar , iyadoo mid waliba uu doonayo inuu isagu noqdo kan u dhow saaxiibtimada Soomaaliya ama uu helo danaha uu ka leeyahay Soomaaliya.

Waxaan u baahan nahay inaan helno figrad siyaasaded oo aan uga baxsano siyaasadaha itoobiya iyo masar ee ku kor dagaalamaya wadan keena iyo dadkiisa!

National Economist  – Water Diplomacy 

Posted on August 22, 2017, in Moment Research & Consultancy. Bookmark the permalink. Leave a comment.

Leave a comment